لَبَّيْكَ اللَّهُمَّ لَبَّيْك

Baro waxyaaba nagu saabsan

About Us (Nagu Saabsan)

Towba History 01

Horudhaca Shirkad Towba Travel

Towba waa shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay taasoo ka shaqaysa adeegyada safarada qaybaha kala duwan iyo adeegyada xajka iyo cumrada iyadoo gaar l’aah adeegyo tayaysan oo halabuur ku dhisan.

Towba, iyadoo ka duulaysa baahiyaha adeeg ee safarada, tigidhada, fiisooyin fududaynta ayay waxay usoo bandhigaysaa macaamiisheeda adeegyo ku salaysan in macamiil walba halka uu joogo loogu adeego, taasoo laf-dhabar u noqon doonta haqabtirka baahiyaha adeeg ee xaga duulimaadyada, dalxiiska iwm.

Towba waxaa dhidabada loogu taagay dadaalo ay sameeyeen aqoonyahano is tusiyay baahiyaha adeegyada loo qabo iyo rumaysnaantooda mabda’ ku dhisan la’imaanshiyaha wax ka duwan wixii suuqa horay uga jiray, Towba waxaa albaabada loo furay 1-dii January 2016.

Mabaadi’da & Hiigsiga Shirkadda

Mabaadi’da shirkadda

Ganacsi ku salaysan dhawrista sharciga. Horumarinta adeegyada xajka iyo cumrada. Ka shaqaynta adeegyo haqabtira baahiyaha bulshada.

Muhiim

Hiigsiyada shirkadda

Hiigsiga shirkadda waa: Samaynta adeegyo heer caalami u dhigma. Fududaynta adeegyada xajka iyo cumrada, tigidhada iwm. Abuurista fursado shaqo.

Muhiim

About

Towba Travel Agency waa shirkad safar oo Soomaaliyeed oo ku takhasustay qabanqaabada safarrada barakaysan ee Hajj iyo Cumro. Ujeeddadeennu waa in aan fududeyno safarka cibaadadaada adigoo helaya adeeg ammaan ah, raaxo leh, iyo hagid ruuxi ah oo dhammeystiran.

Our Contacts

Services